Arimaha guurka

Nagala soco Facebookga

iclaam

Wakhtiga dowrada Jimce-Sabti , Axad oo bilaamatay 14.7.2017- 29.7.2017 oo ah saxed maalmood usbuucii ilaa wakhtigaa aakhirka bisha.. sii Akhri

Fadliga tobanka 10 dul xijah iyo acmaasha la sameeyo maalmahaas‏

Walaalayaal waxaan naftayda iyo tiinaba u dardaarmayaa Alle cabsidiis, waayo iyada ayaa lagu helaa khayraadka, farxadda iyo nolosha wanaagsan, iyada ayaana gabaad u ah dhibka iyo silica nolosha lagala kulmo ee Adduunka iyo Aakhiradaba.Waxaa ummadda  Muslimka ah u soo galay maalmo aad u weyn oo dadka muslimiinta ahi ay kaga faa’iidaysanayaan sidii ay ku kasban lahaayeen khayraad fara badan Alle agtiisa, waana maalmaha ugu fadliga badan dunida ee 10 ka hore ee bisha Dil – Xijah(28/Oct/2011 ila 06/Nov/2011) Waa maalmo uu qofka muslimka ah ku kasban karo khayraadka Alle agtiisa yaal, ku gaari karo darajo sare Alle agtiisa haddii uu qofku badsado samaynta khayraadka… Waxaa ka sugnaaday Nabi Muxamed (NNKH) inuu yiri :
((ما مِن أيّام العمل الصّالح فيها أحبّ إلى الله من هذه الأيام)) يعني أيّامَ العشر، قالوا: يا رسولَ الله، ولا الجهادُ في سبيل الله؟! قال: ((ولا الجهادُ في سبيل الله إلاّ رجلٌ خرج بنفسه ومالِه ثمّ لم يرجِع من ذلك بشيء)) رواه البخاري،
“ Ma jirto maalmo Alle xaggiisa looga jacayl badan yahay camalka saalixa ah maalmahan “ 
waxaa loola jeedaa 10ka maalmod ee bisha Dil-xijah, markaasay saxaabadu ku yiraaheed Nabiga : Xitaa jihaadka Alle dartiis loo galo, Wuxuu yiri Nabigu (NNKH): haa xitaa jihaadka Alle dartiis, illaa nin isagu naftiisa iyo maalkiisaba ku bixiyay jihaadka Alle dartiis oo aan midna la soo noqon mooyaane“ Waxaa weriyay Bukhaari.
وعند البيهقيّ: ((ما عملٌ أزكى عند الله ولا أعظم أجرًا من خيرٍ يعمَله في عشر الأضحى
Beyhaqi
 ayaa isna weriyay : “ Ma jiro camal Alle agtiisa ka wanaagsan , kana ajar badan, khayr uu qofku sameeyo 10ka Adhxaada” yacnii 10 ka hore ee bisha Dil-xijah”.وروى البزّار في مسنده عن النبيّ  أنه قال: ((أفضلُ أيّام الدّنيا العشر)) يعني عشرَ ذي الحجّة الحديث.
Bazaar ayaa isna musnadkiisa ku weriyay in Nabigu (NNKH) uu yiri : Maalmaha dunida ugu fadliga badan waa 10ka “ oo loola jeedo 10 ka hore ee bisha Dil-xijah.
Ibnu Xajar Allaha u naxariistee oo arintaan ka hadlayay ayaa yiri : Sababta ay maalmahani u yeesheen fadligaas faraha badan ee gaarka ah  waxaa weeye:iyadoo ay kulansadeen hooyooyinkii cibaadada ee Salaada, Soonka, Sadaqada, Xajka iyo qayrkood, maalmo kale oo intaasi ay ku kulmeena ma jiraan.
Walaalahayga muslimiinta ahoow waxaa haboon in muslimku uu ku dadaalo cibaadada siiba soonka, waxaana xaasaska Nabiga ka sugnaaday sida ay warinayaan :
“ Nabigu waxaa uu ahaa mid sooma 9ka maalmood ee ugu horeeya Dil-xijah, maalinka Cashuuraa, iyo saddex maalmood  bil kasta : Isniinta ugu horeysa ee bisha iyo Khamiista.  Waxaa weriyay Abuu daawuud , waana saxiix sida uu xaqijiyay Sh. Albaani  (Allaha u naxaristee)… laakiin   xadiiska uu werinayo Abuu  Daawuud laftigiisa oo Caaisha ay tiri : Ma arag Rasuulka oo sooman 10ka weli… oo isaguna saxiix ah, ayaa culimadu marka ay iswaafajinayaan 2dan xadiis waxaa ay ka yiraahdeen: –
Imaamu Nawawi (Allaha u naxaristee) ayaa yiri: Soonka maalmahan ma ahan mid karaaho daran ah, ee waa mid aad loo jecel yahay oo mustaxab ah.Waxaa kaloo uu Imaamu Nawawi (Allaha u naxaristee)  yiri: hadalka caa’isha waxaa loo awilayaa inuusan Nabigu (NNKH) soomin maalmahan sababo ku yimid awgood sida: Jiro ,safar IWM.. ama aysan iyadu arag isago sooman wali.. mana laaziminayso in aan la soomayn.

Ibnul qayim (Allaha u naxaristee) ayaa isna yiri : Xadiiska wax sugaya ayaa laga hormarin kan wax diidaya hadduuba ansaxo.
Ibnu Xajar (Allaha u naxaristee) ayaa isna yiri kadib marku ka hadlay fadliga 10kaan maalmood : soonka maalmahan kama hor imanaayo oo laguma radin karo xadiiska caa’isha, waayo Nabigu (NNKH) isagoo ahaa mid ummadiisa u turid iyo naxariis badan, ayaa waxaa dhacaysay inuu isagoo jecel in camalka uu sameeyo uu isaga dhaafi jiray ka baqid uu ka baqayo in ummadda lagu waajibiyo.
Haddaba walaayaal waxaa nala gudboon inaan maalmahaas ka faa’iidayano oo la badiyo acmaasha wanaagsan sida Soonka, Qur’aan akhriska, Sadaqada, u samafalka waalidka, dadka dhibaataysan oo wax la taro, adkaarta oo lagu dadaalo ( Takbirta, tahlilka iyo taxmidka )..iyo dhamaan wixi camal wanaagsan ah.
waxaa si gaar ah ajar ugu soo arooray soonka maalinka 9aad ee loo yaqaan Carafa oo sanadkan Insha Allaah ku beegan maalin SABTIDA  ah oo bishuna tahay  05.11.2010 waa maalinka ay dadka xujayda ahi taagan yihiin banka carafaad .
Nabigu (NNKH) waxaa uu yiri :-
((صيامُ يومِ عرفة أحتسِب على الله أن يكفِّرَ السنّةَ التي قبلَه والتي بعده)) رواه مسلم.
“Soonka Maalinka Carafa waxaan Allaah ka rajaynayaa inuu ku dhaafo denbiga sanadkii ka horeeyay iyo kan ka danbeeya “
Adakaarta (muqayadka ah ) ee ugu saxiixsan ee laga weriyay saxaabadii nabiga (NNKH) waa mida ay weriyeen IBnu Cumar iyo Ibnu Mascuud (Allaha ka raali noqdo labadoodaba ):
(الله أكبر الله أكبر لا إله إلا الله، والله أكبر الله أكبر ولله الحمد).
waxaana ay bilaabanaysaa adkaartaasi oo ah tan sida gaarka ah u soo aroortay ( Muqayadka ah) : qofka an xaajiga ahayn ee magaaladiisa jooga laga bilaabo maalinka Carafa salaad kasta oo jamaaco lagu tukado gadaasheed illaa iyo maalmaha 3da ah ee loo yaqaan Ayaamu tashriiqa (11aad,12aad iyo 13aadka) ee maalinka ugu danbaysa saladeeda Casar.
Qofka xaajiga ah waxaa uu bilaabayaa adkaartaas duhurka maalinka 10aad ee loo yaqaan maalinka gowrca (Yowmu Naxar ) illaa iyo salaadda casarka ee maalmaha tashriiqa ugu danbaysa.
Allaaaaahu Akbar… Allaaaaahu Akbar… Allaaaaahu Akbar… maxaa ka fadli badan, maxaa ka khayr badan ruuxii uu Allaah waafajiyo oo ka fa’iidaysta fursdahaas.
Ilaahay waxaan ka baryaynaa inuu naga dhigo kuwii khayraadkaas ka faa’iidaysta, Allena uu cimri wanaagsan iyo cibaado suuban nagu garsiiyo maalmahaas sanado fara badan, nagana dhigo kuwii khayrka ka faa’iidaysta.
Sidoo kale waxaa suno wanaagsan ah qofkii awooda inuu udxiyaysto oo Alle dartiis wax u gowraco, waxaana qofkii udxiyaysanaya la gudboon inaanu timihisa iyo cidiyihiisa waxba ka jarin jeer uu udxiyada gowraco… waxaana Nabigu (NNKH) uu yiri sida uu  ku warinayo Muslim  saxiixiisa :-
((إذا رأيتُم هلالَ ذي الحجة وأرادَ أحدكم أن يضحّيَ فلا يأخذ من شعرِه وأظفاره شيئًا حتى يضحّي)) رواه مسلم.

“Marka aad aragtaan bisha Dil-xijah oo ay bilato, qofkiina uu doono inuu udxiyaysto, timihiisa iyo cidiyihiisa yaanu waxba ka goyn illaa uu udxiyaysto” waxaa weriyay Muslim.
wixii sax ah waa mid Alle iwaafajiyay, isagaana mahad iska leh, wixii khalad ahna waa xagayga, Alle iyo Rasuulba bari bay ka yihiin.. Naseexadiina iyo sixitaankiina waan u baahnahay
Walaayaal waad mahadsantihiin, waxaana idinka codsani in aad iisooduceysaan
Waxaa diyaariyay
Abuu C/raxmaan C/razaaq Sugulle. Maxamed
Imaamka iyo Khadiibka Masjidka Al-huda
Markazka Helsinki Islamic Center
abdirazaks@hotmail.com