Arimaha guurka

Nagala soco Facebookga

Dowradii 11aad ee Dhalinyada

Wakhtiga dowrada Jimce-Sabti , Axad oo bilaamatay 14.7.2017- 29.7.2017 oo ah saxed maalmood usbuucii ilaa wakhtigaa aakhirka bisha.. sii Akhri

Lajnada dhexdhexaadinta

Waa qayb hoos timaada waaxda dacwada ee masjidka, taasoo loo asaasay in ay xaliyaan mashaakilaadka dhex mara bulshada Muslimka ah eek u nool dalkan Finland ee u baagah in xal diini ah laga gaaro. Waxyaabaha uu gudigu qabto waxaa ka mid ah  :- xalinta khilaafaadka qoyska sida ninka iyo xaaskiisa, waalidka iyo caruurtooda, sidoo kale  xalinta wixii khilaaf ah ee dadka soo kala dhexgala. Ujeedada gudiga loo asaasay ma ahan in ay kala furan nin iyo xaaskiisa ama ay qoys dhisnaa burburiyaan, balse waxaa ay ujeedadu tahay in la gaaro xal  waafi ah oo shareecada waafaqsan. Maxaa laga doonayaa dadaka u imanaya arimaha dhex-dhexaadinta ?
  1. In ay marka hore qadiyada u bandhigaan wixii ehelkooda ah ee  wadanka jooga, dabadeedna qadiyadii oo urursan ay soo gudbiyaan markii ehelku wax ka qaban waayo.
  2. Marka qadiyada loosoo rafacayo masjidka waa lama huraan in ehelka labada dhinac ay howsha wax ka wadaan
  3. Qofkii aan ehel meeesha u joogina, labada howshu ka dhexeyso oo wada socda
  4. Wixii dokumintiyo ah oo howsha la xiriirta oo hore loo soo qaato
  5. Iyo in labada qofba ay Allaah ka baqaan oo ay runta iyo xaaladda dhabta ah ka abaaraan howsha taal
Wixii intaas ka dheer kala xiriir maamulka masjidka Markazka Helsinki Islamic Center Puh/Tel: (09) 7260207 / GSM : 045 128 28 18 E-mail: info@hic.fi