Arimaha guurka

Nagala soco Facebookga

 

Wakhtiga dowrada Jimce-Sabti , Axad oo bilaamatay 14.7.2017- 29.7.2017 oo ah sadex maalmood usbuucii ilaa wakhtigaa aakhirka bisha.. sii Akhri

Arimaha guurka

Masjidku wuxuu xaq u leeyahay inuu kuu sameeyo waraaqda Nikaaxa ee laga aqoonsan yahay dalkan Finland. Waxaa laga rabaa labada qof ee doonaysa in loo sameeyo waraaqda rasmiga ah ee nikaaxa, in ay u tagaan xafiiska diiwaangelinta Maistraatti ee magaalada ay degan yihiin. Waxayna dabadeed u sheegayaan in ay doonayaan in ay isguursadaan , si masjidku ugu sameeyo waraaqda nikaaxa, ayna ubaahan yihiin waraaqda fasaxa ee cadaynaysa in aysan jirin wax ka reebaya guurka labadan qof ee raba inay isguursadaan, taasoo lagu magacaabo (avioliiton esteiden tutkinta ). Halkaan ayaad ka heli kartaa foomka waraaqada Esteiden tutkinta Intaa dabadeed ayaad masjidka imanaysa waxaana laguu samaynayaa waraaqdii nikaaxa, waxaana waraaqda lagu samaynayaa (50 €) , taasoo ah khidmada laguu samynayo. Wixii tafaasiil dheeraad ah kala xiriir u qaybsanaha masjidka ee arimahaas :- Sh. Cabdirazaaq Sugulle Maxamed email: info@hic.fi Tel : 0451282818